Shaqadeeda samafalka ah ee ay qabto darteed, Huffington Post waxay ku tilmaamaysaa inay tahay "Hooyo nolasheeda ugu tabarucday Dadkeeda”.
Edna Aadan Ismaaciil waxay ahayd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland sanadihii 2003 ilaa 2006, waxayna hore u soo noqotay Wasiirka Daryeelka Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Somaliland.
Waxay tahay agaasime iyo aasaasihii Edna Adan Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa, oo la furay 2002, Waxayna tahay u dhaqdhaqaaqe iyo hormuud u halganka ciribtirka gudniinka fircooniga ah. Sidoo kale waxay madax ka tahay Ururka Somaliland ee Dhibbanayaasha Jirdilka.
Sannadkii 2010, waxay furtay Jaamacadda Edna Aadan Ismaaciil ee magaalada Hargeysa, Somaliland.
Waxaa guursaday Mohammed Haji Ibrahim Cigaal oo ahaa Madaxii Dawladdii British Somaliland shan maalmood ka hor xornimadii Somalia ee Talyaaniya ka dibna Raysalwasaarihii Soomaaliya ee sanadihii (1967-69) iyo Madaxweynihii Somaliland 1993 ilaa 2002.
Edna Aadan Ismaaciil waa gabadh uu dhalay Aadan Ismaaciil Guleid "Aadan Dhakhtar", oo sidoo kale loo yaqaan "Aabaha Daryeelka Caafimaadka ee Somaliland".